DHAGEYSO:todobaadka Xoriyada Soomaaliya oo Muqdisho si weyn looga dareemaya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa sheegay inay soo saareen Amar ku socda Shacabka iyo Ganacstada ku nool Gobobolkan Banaadir amaradaas oo qayb ka ah u diyaar Garowga todobaadka Xoriyada Soomaaliya.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa Shacabka iyo Ganacsatada ku nool Caasimada ku amray inta lagu guda jiro Maalmaha todobaadka xurriyada Soomaaliya ee kala ah 26 June iyo 1-da Luulyo inay Gurayaha rinjiyeeyaan sidoo kale goobaha Ganacsi lagu dhejiyo Calanka qaranka Soomaaliyeed.
duqa Muqdisho ayaa sheegay inuu Magacaabay guddi ka Shaqaynaya agaasimadka howlahan Maalmaha xurriyada,kuwaasoo la Shaqeyn doona Guddi heer Wasiiro ah oo uu dhawaan Magacaabay Ra’iisul Wasaaraha xukuumada fedraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre,wuxuuna gudoomiye Yariisow shacabka xasuusiya muhiimada ay leeyihiin maalmaha todobaadka Xoriyada Soomaaliya oo Sanadkasta loo dabaal dego.

 

Guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa xilligaan looga diyaar garoobayaa Maalmaah xurriyada,ee 26 June oo ku aadan Maalintii Gobolada Waqooyi Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeystihii Ingiriiska iyo 1-da bisha Luulyo oo iyaduna ku beegan Maalintii gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ay xornimadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo sidoo kale Midowgii gobollada Koonfur iyo Waqooyi halkaas oo lagu Yegleelay Jamhuuriyada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here