DHAGEYSO:Ugu dambeyn senetarada dalka oo meel mariyay dhaqaalaha la siinayo ismaamulada

Waxaa ugu danbeyn xal laga gaaray qaybsiga dakhliga dalka ka dib 10 mar oo uu fashilmay in la meel mariyo.
Aqalka Senetka ayaa cod aqlabiyad leh ku codeeyay meel marinta dhaqaalahan sida uu ku dhawaaqay codeynta afhayeenka aqalka senetka Ken Lusaka.

Ma jiro ismaamul lumin doona lacago.
Ismaamulada gobolka Waqooyi Bari ayaa heli doonaa lacago dheeraad ah.
Golaha barasabyada dalka ee CoG ayaa lagu wadaa inuu joojiyo xiritaanka ismaamulada ka dib markii ay shalay shaaciyeen la istaajin doono dhamaan adeegyada aan muhiimka ahayn ee ismaamulada taasina ay ka hor yimaadeen qaar ka mid ah dowlad deegaanada dalka.
Ismamaulka Nairobi ayaa ah maamul goboleedka ugu badan ee heli doona lacagaha loo qoondeeyay ismamaulada.
Nairobi ayaa heli doona 3.3 bilyan oo shillinka dalka ah wadar ahaan lacagta loogu talagalay ayaa noqon doonta 19 billion.
Ismaamulka Nakuru ayaa ku soo xiga oo heli doona Sh2.5 billion iyadoona lacagta guud ee loo qoondeeyay ay noqon doonto Sh13 billion.
Kiambu County ayaa heli doona lacag dheeraad ah oo dhan Sh2.2 billion halka lacagta guud ee loo qoondeeyay ay noqon doonto Sh11.7 billion.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here