DHAGEYSO:Ugu yaraan 60 qof oo booliska ay ku jirdileen Lamu

In ka badan 60 qof oo ka mid ah shacabka ku nool ismaamulka Lamu ee gobolka xeebta ayaa lagu soo warramayaa inay dhaawacyo soo gaareen kaddib howlgalo ay ciidamada ammaanka sameyeen.
Booliska oo raadinayay qori la waayay kaddib markii la dilay mid ka mid ah ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeyay inay dadkaasi jirdil u gaysteen.
Qaar ka mid ah dadka ay dhibaatooyinka soo gaareen oo warbaahinta u warramay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay.

 

Francis Auma waxaa uu ka mid ah yahay howlwadeenada hay’adda u doodda xuquuqul aadanaha ee MUHURI wuxuuna si kulul u cambaareeyay falka ay booliska ku kaceen isagoo wasiirka arrimaha gudaha ugu baaqay inuu wax ka qabto.

Taliyaha booliska ee ismaamulka Lamu Mchangi Kiyoy ayaa dhankiisa xusay in tallaabo sharciyeed laga qaadayo saraakiisha ammaanka ee xadgudubyada gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here