DHAGEYSO:Urur goboleedka IGAD oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

Kaddib kulan ay yeesheen Madaxda wadamada Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa kasoo baxay warmurtiyeed ay uga hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka Soomaaliya,sida doorashooyinka, wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland iyo howlgallada Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ka wadaan Gobolada dalka.
Waxa uu shirku xusey doorashooyinka heer federaal ee soo wajahan, isagoo ugu baaqay dhammaan dan-wadaagta Soomaaliyeed inay muhiimadda iska saaraan danaha dadka Soomaaliyeed, iyagoo u maraya gaaritaan wadar-ogol ku saabsan doorashooyinka soo socda.
Shirku wuxuu dhiirigaliyay horumarka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka gaartay sidii loo xaqiijin lahaa doorasho qof iyo cod ah oo waafaqsan heerka caalamiga ah, waxaana lagu booriyey dhammaan dhinacyada inay ka qeyb qaataan habkan taariikhiga ah ee Soomaaliya.
Waxa uu shirka soo dhoweeyay dedaalada Dowladda Federaalka ugu jirto inay qabato wada hadalo loo dhanyahay oo ay la yeelanayso Dowladaha Xubnaha Ka ah Federaalka sidii loo gaari lahaa wax la’isku waafaqsanyahay , gaarista nabad waarta iyo midnimo qaran;
Shirku wuxuu boggaadiyay AMISOM, dalalka ay ciidamada ka yimaadeen iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, khatarihii ay qaateen iyo naf-hurnimadii ay sameeyeen, iyagoo si joogto ah uga awood roonaada ururada argagixisada ah iyo kooxaha dambiyada abaabulan, iyadoo la isla xusey in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya uu mas’uuliyadaha sugista Amniga la wareegay, iyagoo door hormuud ah ka qaatay sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ay badqab ugu noolaan lahaayeen.
Shirka oo sidoo kale arimaha looga hadlay ay ka mid ahayd xaalada wadanka koonfurta Sudan ayaa waxaa qodobadii ka soo baxay faahfaahinaya wasiirka wasaarada arimaha diba iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here