DHAGEYSO:Ururada bulshada rayidka ah oo Sharci daro ku tilmaamay Magacaabis ay sameeyeen xubnaha Xukuumaddii kalsoonida lagala laabtay

Warka ka soo baxay ururada bulshada rayidka ee looga hadlay magacaabista golaha adeega garsoorka dalka oo ay ka horyimaadeen ururadu in xukuumadda hadda jirtaa ee xil,gaarsiinta xukuumad cusub qaabilsan ay sameeyeen, ayaa Axmed maxamuud Guuleed Kaftamaaye oo isna u hadla bulshada rayidka ee gobolada dhexe waxaa uu ku tilmaamay damac siyaasadeed oo ay leeyihiin ururadaan
Hadalkaas ka soo yeeray ururada bulshada rayidka waxaa aragti ka duwan qaba Axmed Maxamuud Guuleed Kaftamaaye oo ka mid ah dadka bulshada u hadlay ee ku nool gobolada dhexe ee Soomaaliya
waxaa uu sheegay in ay ku garab taagan yihiin dowladda in la dhameeystiro dhismaha hay’adaha dowladda gaar ahaan golaha adeega garsoorka dalka, halka uu ururada ku eedeeyey in uu ka dhex guuxayo damac siyaasadeed ee aysan u hadleen bulshada rayidka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here