DHAGEYSO:Ururka Jaamacaha Soomaaliya oo aruuriyay lacag lagu Taakulaynayo dadka reer Baladweyne.

Ururka jaamacadaha dalka Soomaaliya ayaa 32.000 oo doolar ugu deeqay waxkaqabashada fatahaadaha Wabiga Shabeelle ee Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.
Maamulayaasha Jaamacadaha Soomaaliya ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay garab istaaga dadka dhibaataysan sidoo kalena waxay hoosta ka xariiqeen muhiimada ay leedahaya in dhaqaalaha looguu talagalay mashaqada Beledweyne ay Gacmo amaan ah ku dhacaan.
Waxay sidoo kale sheegeen inay aad muhiim u tahay in xal waara loo helo fatahaadaha soo lalaabta ee cuuryaamiyay dhaqaalaha iyo nolosha caadiga ah ee Magaalada Beledweyne.

Wasiiru dowlaha waxbarasha Soomaaliya ayaa digniin u diray cidkasta oo isku dayda inay musuqmaasuqdo lacagaha loogu talagalay dadka reer beledweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here