DHAGEYSO:Ururka KNUT oo cambaareeyay weerarkii shalay ee Fafi

Kaddib weerarkii habeen hore ka dhacay tuulada Kamuudeey ee deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa oo lagu dilay saddex macallin ayaa waxaa arrinkaasi bayaan ka soo saaray ururka qaran ee barayaasha dalka ee KNUT.
Qoraal la soo dhigay barta rasmiga ee Facebook-ga KNUT ayaa lagu cambaareeyay falkaas waxaana sido kale tacsi loo diray qoysaska ay macallimiintaas la dilay ka baxeen.
KNUT ayaa sheegtay in la joogo xilligii laga hadli lahaa badqabka macallimiinta xubnaha ka ah dalladdan.
Xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa dhankiisa barayaasha ku sugan waqooyi bari ee dareemaya in la bartilmaameedsan karo ka dalbaday inay halkaas isaga soo baxaan.

Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in badbaadinta nolosha ay ka mid tahay xuquuqda dastuuriga sidaasi awgeedna aan marnaba la fududeysan karin.
Sido kale waxaa uu ku baaqay in la qabto kulan degdeg ah oo wasaaradda waxbarashada, guddiga adeegga macallimiinta ee TSC iyo dalladda KNUT ay kaga arrinsanayaan wax ka qabashada falalka lagu bartilmaameedsado shaqaalaha dowladda ee ay barayaasha ka mid yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here