DHAGEYSO:Ururka macalimiinta KNUT oo shaqa joojin ku hanjabay

Ururka qaran ee ay ku mideysanyihiin macallimiinta dalka ee KNUT ayaa mar kale wacad ku maray in xubnaha ka tirsan ay shaqa joojin ku dhaqaqayaan haddii guddiga adeegga barayaasha ee TSC uunan u hoggaansamin amar maalmo ka hor maxkamadda ka soo baxay.
Xoghayaha guud ee KNUT ahna xildhibaan baarlamaanka dalka si magacaabid ah ku galay Mr. Wilson Sossion ayaa hoosta ka xarriiqay inay TSC uga fadhiyaan inay dhaqangeliso amarkii ahaa in dallacsiinta macallimiinta aan lagu saleynin waxqabadkooda.
Dhanka kale xubnaha uu hoggaamiyo ayuu ugu baaqay inay isdejiyaan ilaa inta uu ka soo baxayo amar ku aaddan inay dhigayaan qalabka ay ku shaqeyaan iyo in kale.
Mr. Sossion ayaa macallimiinta ku wargeliyay inay shaqa joojin isku diyaariyaan haddii TSC aynan tixgelin go’aankii maxkamadda.
Waxaa uu intaasi ku daray inay qaadi doonaan tallaabo qaran iyadoo aan digniin kale la soo saareynin.
Xoghayaha KNUT ayaa guddiga TSC ku eedeyay inuu macallimiinta dalka kala qeybinayo maadaama sida uu hadalka u dhigay la marin habaabinayo maamulayaasha dugsiyada.
Waxaa uu soo jeediyay in guddigu uu kulan la qaato mas’uuliyiinta ururada macallimiinta si looga arrinsado qaabka loogu tallaaba qaadayo amarkii maxkamadda.
Dhanka kale hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa ka digay in maamulayaasha iyo macallimiinta ay takoor kula kacaan gabdhaha muslimiinta ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in arday kasta oo Kenyaan ah oo uu leeyahay xaq dastuuri ah oo tixgelinaya labiska diimeed sidaasi awgeedna aynan aynan dhici Karin in gabadh muslimad ah oo wax baraneysa lagu takooro xijaabka ay xiran tahay.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Garissa ayuu Mr. Ducaale sheegay in macallinkii falkan ku kaco laga qaadayo tallaabo sharciyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here