DHAGEYSO:Ururka macallimiinta KUPPET oo dhaliilay tallaabada lagu xiray dugsiyo dhowr ah

Ururka macallimiinta dalka ee KUPPET ayaa shir jaraaid oo uu qabtay waxaa uu ku dhaliilay howlgalada ay waddo wasaaradda waxbarashada ee ilaa iyo hadda albaabada la isugu dhuftay qaar ka mid ah dugsiyada dalka.
Tallaabooyinka ay wasaaradda qaadayso ayaa yimid kaddib markii bishii hore 8 arday ah ay dhinteen halka 64 kalena ay dhaawacmeen xilli uu soo dumay mid ka mid ah fasalada dugsiga hoose dhexe ee Precious Talent ee deegaanka Dagoretti magaaladatani Nairobi.
Wasiirka wasaaradda tacliinta ee dalka Prof. George Magoha ayaa dhacdadaasi kaddib sheegay in la xirayo dugsi waliba oo aan lagu qancin qaab dhismeedkiisa ama la aas-aasay iyadoo aan oggolaansho laga haysan wasaaradda.
Magoha ayaa sido kale amray in haddii dugsi la xiro ardayda dhigta loo wareejiyo xarun kale oo ay waxbarashadooda sii wadan karaan.
Hasa ahaate xoghayaha guud ee ururka macallimiinta KUPPET Mr. Akelo Misori ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabooyinka wasaaradda aynan ahayn kuwo habboon.
Waxaa uu wasiirka kula taliyay inuu la xisaabtamo saraakiisha wasaaradda tacliinta u qaabilsan xaqiijinta tayada maadaama sida uu hadalka u dhigay aynan ka soo bixin shaqadii loo igmaday.
Sido kale wasiirka ayuu ku eedeyay inuu kenyaanka ku mashquulinayo falcelin aan loo baahneyn.
Waxaa uu wasaaradda waxbarashada ee dalka ku dhaliilay inaynan lacago ku filan u qoondeynin dugsiyada dowladda si loo wanaajiyo kaabayaasha horumarineed gaar ahaan xaafadaha isku raranta ah.
Guddoomiyaha ururka macallimiinta ee KUPPET ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay Mr. Omboko Milemba ayaa sheegay in wasaaradda laga doonayo inay codsato lacago degdeg ah oo xaaladda jirta wax looga qaban karo isagoo su’aal geliyay halka ay aadayaan ardayda laga xiray dugsiyadii ay wax ka baranayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here