DHAGEYSO:Ururuka dhakhaatiirta Soomaaliyeed oo guddi u wacyigelinaa bulshada ee ku aaddan cudurka COVID19

Kadib markii Maalin ka hor Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya laga Helay qofkii ugu horeeyay ee jirkiisa uu ku jira cudurka dunida dhan ay aadka kaga walaacsan tahay ee COVID 19 ayaa waxaay Kaadariinta Cilmiga Caafimaadka ee Soomaaliyeed bilaabeen dodo iyo kulamo looga arinsanayo ka hortaga Cudurkaan waxayna soo saareen qodobo ay tahay in lagu Talaabo qaado.
Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ahna Senetor ka tirsan aqalka sare ee Soomaaliya prof Cismaan Maxamuud Dufle ayaa Prof Ismaan Adan Cadi iyo dhaqaatir kale ayaa dhamaantood sheegay inay lagama maarmaan tahay in madaxda dowlada,howlwadeenada CAafimaadka iy o dhamaan qaybaha bulshada ay ka qayb qaataan in la wacyigaliyo bulshada loona istaago si uusan cudurkaan dalka ugu sii faafin.

Gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed Prof Maxamed Yusuf ayaa ku dhawaaqay gudi ka kooban 13 qof oo wasaarada Caafimaadka ee dowlada Soomaaliya kala shaqayn doona la tacaalida Canuunka COVID 19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here