DHAGEYSO:Waa maxay qorshaha maamulka gobolka Banaadir ee bulaacadaha Muqdisho?

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Eng Cumar Cali Cabdi oo maanta la hadlayay Telefeshinka dowladda Soomaaliya ayaa faahfahain ka bixiyay qorshaha Maamulka Gobolka ee ku aadan wax ka qabashada Bulaacadaha Magaalada Muqdisho oo marka Roobabku da’aan Gabi ahaanba ay Xirmadaan Waddooyinka Magaalada.
Dadka reer Muqdisho waxaa ku soo lalaabta saameynta Roobka ku yeeshaan magaalada sidoo kalena waxay marar badan Maamulka gobolka ugu baaqeen inuu qorshe xal u helo biyamareenada Caasimadda oo Burbursan wax dayactir ahna aan helin muddo ka badan 30 sano.
Eng Cumar Cali Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa faahfaahinaya Qorshaha dowlada Hoose ee Xamar ay u dajisay Xal u helidda dhibaatooyinka Biyo Mareenada.

Dhanka kale Eng Cumar Cali Cabdi Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa shacabka ku nool Magaalada Muqdisho gaar ahaan Guryada Qadiimiga wuxuu ugu baaqay inay guryahaasi isaga guuraan Xilliga ay Roobabku da’ayaan maadama inta badan guryaha duqoobay ay soo dumaan Marka ay magaalada Muqdisho ka Da’aan roobabka Mahiigaanka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here