DHAGEYSO:Waa sidee kala iibsiga ariga ee suuqa Guriceel

Suuqa ariga ee dhawaan lagu shaqo billaabay ee degmada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa lagu kala iibsanayaa ariga iyadoo furitaanka suuqaas ay mar diidmo ka muujiyeen qaar ka mid ah dadka ka shaqeeysta kala iibsiga xoolaha.
Wasaaradda xanaanada xoolaha ee dowlad goboleedka Galmudug ayaa mar hore amartay in sagaalkii bishan lagu shaqo billaabo sayladda cusub oo ay dhistay NRC oo kaalmo ka heshay UK AID balse 22-kii bishan ayay maamulka degma Guriceel dhaqan geliyeen amarkii wasaaradda.
Faarax Xasan Cumar oo guddoomiye u ah guddiga suuqa ayaa idaacadda starfm ay ka warsatay sida ay u socoto shaqada suuqa.
Waxaa uu u warramay Cubeyd Xasan Maxamuud oo marka hore weydiiyay faa’iidada laga helay dhismaha suuqan oo ay kaga duwan tahay meelihii markii hore xoolaha lagu kala iibsan jiray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here