DHAGEYSO:Waalidiinta carruur dhiganaysa dugsiyada Lamu ee la xiray oo baaq u diray dowladda

Waalidiinta carruur dhiganayay ilaa sideed dugsi oo ka mid ah kuwa sida gaarka ah loo leeyahay ee ismaamulka Lamu, gobolka xeebta , ardayda iyo macallimiinta ayaa sameeyay dibadbax ay uga soo horjeedaan tallaabo ay dowladda qaadday.
Waxay tageen xafiiska agaasimaha tacliinta ee dowlad deegaankaasi iyagoo dalbanaya in dugsiyada dib loo furo.

 

Tallaabada lagu xiray xarumahaasi waxbarasho ayaa qeyb ka ah dadaalada ay waddo wasaaradda tacliinta ee dalka kaddib markii 8 arday ah ay maalmo ka hor ku dhinteen dugsiga sare ee Precious Talent ee magaaladatani Nairobi oo fasal ka mid ah uu soo dumay.
Wasiirka waxbarashada ee dalka Prof. George Magoha ayaa wacad ku maray in albaabada la isugu dhufanayo dugsi walba oo la dhisay iyadoo aan la raacin nidaamka haboon si loo badbaadiyo nolosha ardayda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here