DHAGEYSO:Waalidiinta oo loogu baaqay inay isha ku hayaan carruurtooda si cudurka uunan u saameeyn

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Dowladda ay amar ku bixisay in albaabada la isugu dhufto dhammaan waxbarashada si looga hor tago in la isku gudbiyo cudurka Covid-19 ee uu sababo cudurka Coronavirus.
Waxaa amarka Dowladda dhexe ka soo baxay uu horseeday in carruur badan ay guriyaha joogaan.
Hasa ahaate waxay u muuqataa in qaar ka mid ah waalidiinta aynan si dhow ula socon dhaqdhaqaaqa carruurtooda .
Dubat Cali Camey oo ka mid ah waxgaradka ismaamulka Garissa ayaa arrinkan baaq ka soo saaray.

Dhanka kale Dubat Cali ayaa soo jeediyay in culimada iyo madaxda gaar ahaan kuwa waqooyi bari ay ka wada hadlaan kaddibna qorsho ka soo saaraan sida bulshada inteeda ladan ay ugu gargaari karto kuwa dhaqaale ahaan liita .
Waxaa uu sheegay in tallaabadan oo lagu dhaqaaqo ay tahay mid mar kasta loo baahan yahay balse hadda oo uu Coronavirus la yimid culeys dhaqaale ay mudan tahay in la tixgeliyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here