DHAGEYSO:Waalidiinta Trans Nzoia oo looga digay inay carruurta bannaanka u diraan

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Dowladda ay amar ku bixisay in albaabada la isugu dhufto dhammaan waxbarashada si looga hor tago in la isku gudbiyo cudurka Covid-19 ee uu sababo cudurka Coronavirus.
Waxaa amarka Dowladda dhexe ka soo baxay uu horseeday in carruur badan ay guriyaha joogaan.
Hasa ahaate iyadoo maanta uu wadanka Bandow qaran ka dhaqan galaya ayaa waxay dhanka kale u muuqataa in qaar ka mid ah waalidiinta aynan si dhow ula socon dhaqdhaqaaqa carruurtooda .
Guddoomiyaha Dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Trans Nzoia Mr. Samson Ojwang ayaa sheegay inaan carruurta bannaanka lagu arki Karin sido kalena waalidiinta uu uga digayo inay u diraan dukaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here