DHAGEYSO:Waaxda dacwad soo oogidda oo shacabka ugu baaqday inay soo gudbiyaan falalka musuqmaasuqa

Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa dadweynaha ka codsatay inay saraakiisha ku soo wargeliyaan falalka musuqmaasuqa ee lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Samita Millicent oo ka mid ah howladeenada waaxda ODPP ayaa baaqan dirtay xilli ay saaka u warramaysay idaacadda dowladda ee Radio Taifa.
Waxay sheegtay in loo baahan yahay dad ku marqaati kaco eedeysanayaasha maxkamadda la geeyo.
Haweeneydan ayaa hoosta ka xarriiqday in hadda ay waaxdu diiradda saareyso falalka musuqa ee ugu saameynta badan.
Samita ayaa xustay in hadii qofka loo shaqeeya uu shaqaalaha mushaarkiisa ka jaro lacagta caymiska caafimaadka kaddibna uusan ku wareejin maamulka NHIF ay musuqmaasuq tahay dacwadna lagu soo oogi karo qofkaas.
Waxay intaa ku dartay in ay si buuxda ugu hoggaansamayaan tallaabooyinka wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynayo faafidda cudurka COVID-19

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here