DHAGEYSO:Waaxda KNBS oo qoraal ka soo saartay Tirakoobka qaran

Waaxda qaran ee qaabilsan keydinta macluumaadka ee KNBS ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee twitarka ku sheegtay in Kenyaan badan ay la soo xariirayaan iyagoo ku wargelinaya inaan weli la xisaabin.
Shacabka ayay waaxdan u xaqiijisay in qof waliba oo ku sugan gudaha dalka la tirin doono.
Waxay intaasi ku dartay in saraakiisha howshan loo xilsaaray ay sii shaqeynayaan muddo 5 maalmood ah ilaa 31-da bishan sideedaad sidaasi awgeed dadweynaha lagu boorinayo inay dulqaad muujiyaan.
Shalay ayay ahayd markii afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna uu sheegay in tirakoobka qaran oo tobankii sano hal mar ah la qabto uu si habsami leh uga socdo guud ahaan dalka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in tirakoobka qaran uu yahay barnaamij dowladeed oo muhiimad gaar ah u leh qorsheynta iyo qoondeynta dhaqaalaha sidaasi awgeed qof waiba oo Kenyaan ah uu fursad u helayo.
Mr. Oguna ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii mudada toddobaadka ah ay dhammaato iyadoo aan lagu xisaabin aad wici karto nambarka ah 0800221020 ama aad la xariiri karto guddoomiye xaafadeedka deegaankaaga si tirinta aad qeyb uga noqoto.
Dhanka kale wafdi uu hoggaaminayo guddomiyaha amaaanka ee ismaamulka Wajeer Layford Kibaara ayaa kormer ku soo sameeyay qeybo kamid tuulooyinka ku yaalla dhanka bari si ay ugu kuur galaan habsami u socdka tirakoobka waxaana socdaalkaasi warbaahinta faahfaahin ka siiyay xoghayaha ugu sarreeya ee dhanka maamulka ee wasaaradda deegaanka Maxamad Ibrahim Cilmi .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here