DHAGEYSO:Wabiyada Soomaaliya oo dib u habayn lagu samaynayo.

Bashiir Maxamed Jaamac Maareeyaha guud ee wakaalada Hormarinta dhismaha Soomaaliyeed ayaa sheegay inay dhawaan isugu yeeri doonaan dhamaan Injineerada Soomaaliyeed ee dhismaha Qaabilsan si dib u dhis loogu Sameeyo wabiyada mara dalka Soomaaliya oo fatahaadoodu soo laalaabatay mudo badan.
Gen Bashiir goobe maareeyaha guud ee Wakaalada hormarinta dhsimaha Soomaaliya ayaa Hoosta ka xariiqay inaysan Macquul ahayn in dadka Soomaaliyeed ay marna ka cowdaan biyaha wabiga oo gura marna fatahaadaha Wabiga.

Ra’isulwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed ayaa dhankiisa sheegay inay dowlada Soomaaliya dadaal dheer ku bixinayso dhismaha wabiyada si looga hortago fatahaadhaa Soo laalaabtay ee Saameeya dadka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here