DHAGEYSO:Wadada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo maanta xiran.

Wararka ka imaanaya duleedka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya gaar ahaan wadada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgoye ayaa sheegay in wadadaas ay Maanta xiran tahay wallow aysan cadayn sababta loo xiray.
Qaar ka mid ah shacabka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay inay Saaka ku waabariisteen ayadoo wadada dhagxaan lagu jiray aysana jirin cid ay kala hadleen maadaama aysan halkaas Ciidamo ku sugnayn.

Wadada isku Xirta Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgoye ee gobolka shabeelada Hoose ayaa waxaa ku sucday dhismi ay Fulinaysay shirkada laga heelayay dalka Turkiga waxaana Maalgalinaysay dowlada Qatar.
Dhismaha wadadaas ayaa ilaa bilowgii waxaa Hareeyay caqabado amaanku ugu horeeyay waxaana halkaas in ka badan 10 mar ka dhacay qaraxyo dad ay ku dhinteen.
Qarixii ugu khasaaraha badnaa wuxuu ahaa midkiii dhamaadkii sanadkii hore ka dhacay isgoyska ex kontrool afgoye halkaasoo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo labo Muwaadin oo turki ah ay ku jireen.
Qarixii ugu danbeeyayna wuxuu labo maalmood ka hor ka dhacay afaafka hore ee degmada afgoye waxaana intaas kadib la sheegay in injineeradii Turkigada ahaa ay halkaas shalay qalabkoodii ka soo qaateen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here