DHAGEYSO:Wadayaasha mataatuuda ee Nakuru oo dibadbax sameeyay

Gaadiidleyda baabuurta ay dadweynaha raacaan ee loo yaqaano mataatuuda ee ismaamulka Nakuru ayaa maanta dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan amar maalmo ka hor lagu soo rogay.
Waxay sheegayaan inuu saameyn ku yeeshay amar ka soo baxay barasabka dowlad deegaankaas Mr. Lee Kinyanjui oo ahaa inaynan ka howlgelin bartamaha magaalada.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka Covid-19 ee kiisas la xiriira lagu arkay gudaha wadanka.
Qaar ka mid ah mataatuuleyda Nakuru oo warbaahinta la hadlay ayaa dareenkooda sidatan u muujiyay

Dhanka kale waxaa isla maanta mudaharaad sameeyay kalkaaliyayaasha ismaamulka Busia .
Saraakiisha caafimaadka ayaa dowladda ismaamulka ku eedeynaya inaynan siin qalabka ay isaga difaaci karaan cudurka marka ay bukaannada daaweynayaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here