DHAGEYSO:Wadayaasha mootooyinka oo ka hadlay amarro shalay la dul dhigay

Qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka ee dalka ayaa walaac ka muujinaya amar shalay uu ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Mr. Mutahi Kagwe.
Mr. Kagwe ayaa howlwadeennada ku shaqaysto dhugdhugleyda ku wargeliyay inay qaadaan hal qof oo rakaab oo keliya.
Sido kale waxaa laga dalbaday inay adeegsadaan maaskaro ama marada sanka lagu xirto.
Wadayaasha ayaa dhanka kale loo soo jeediyay in iyaga iyo rakaabka ay sidaan ay isu jiraan ugu yaraan hal miitar si looga hor tago in la isku gudbiyo cudurka Covid19 ee loo yaqaano Coronavirus.
Hasa ahaate qaar ka mid ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhibaatada jirta ay culeys dhaqaale ku keentay sidaas awgeedna amarka cusub uu carqaladeynayo ganacsigooda.

Dhanka kale saraakiisha caafimaadka ayaa maanta ismaamulka Nairobi ka billaabaya inay qeybiyaan waxyaabaha loo adeegsado ka hor tagga cudurka.
Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay ismaamullada kala duwan ee wadanka gaarsiin doonto maaskaro ay isticmaalayaan wadayaasha mootooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here