DHAGEYSO:Waddooyinka Muqdisho oo xoolaha laga saaraya

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Caasimadda soomaaliyeed ee Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish ) ayaa sheegay in waddooyinka magaalada muqdisho laga saarayo xoolaha kala duwan ee dhex socda.
Waxa uu hoosta ka xarriiqay inay dayactir ku wadaan xero lagu magacaabo baadi qabad.
Xeradan ayaa loogu tala galay in lagu xareeyo xoolaha aan la xannaaneysan ee lagu arko waddooyinka Muqdisho.
Guddoomiye Cumar Filish ayaa intaas ku daray in marka dhismaha xaruntaasi la dhamaystiro ay digniin u diri doonaan dadka leh xoolaha dhex qaadaya caasimadda soomaaliya.
Tallaabadan ayuu ku sheegay mid dib loogu muujinayo bilicda magaalada Muqdisho .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here