DHAGEYSO:Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo Shir uga qeyb-galaya Jabuuti

Wasiirka wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta xukuumadda federaalka soomaaliya Sheekh Nuur ayaa magaalada Jabuuti waxaa uu ku daahfuray shirweyne ku saabsan la dagaalanka fikradaha xagjirka.
Waxaa uu xusay in shirkaas uu soo qabanqaabiyay urur goboleedka IGAD.
Wasiirka ayaa carrabka ku dhuftay in shirkaas uu muhiimad gaar ah u leeyahay dagaalka dowladda soomaaliya ay kula jirto kooxaha argagixisada oo aan ku koobneyn oo keliya hub la adeegsado balse ka hor tagga falalka ay adeegsadaan

Dhanka kale Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa waxaa ay gareen dalka jabuuti,halkaas oo la filayo inay Shir uga qeyb galaan.
Waxaa wafdiga qeyb ka ah Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay dalkaasi uga qeyb-galayaan Shirweynaha Waxbarashada Afrika,kaas oo ka furmaya dalkaas.
Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb-geli doonaa Madax badan oo ka socota wadamada Afrika,waxaana wafdiga Ra’iisul Wasaare kuxigeenka iyo wafdiga la socda ay bilaabeen kulamo ay la yeelanayaan Madax ka tirsan dowladda Jabuuti.
Shirweynaha Waxbarashada Afrika ee ka furmaya Jabuuti ayaa inta uu socdo waxaa lagu soo bandhigi doonaa Heerka Waxbarasho ee dalalka afrika sidii lagu horumarin lahaa,iyada oo madaxda wadamada Afrika ay isla gorfeyn doonaan.
Sidoo kale Wafdiga ka socda Dowladda Soomaaliya oo kala ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) & Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda Shirkaasi goobjooga ka ah, iyaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here