DHAGEYSO:Wafdi ka socda Hay’ada Caafimaadka aduunka oo Muqdisho gaaray

Masuuliyiin ka socota hay’ada Caafimaadka aduunka ayaa oo marti qaad rasmi ah ka helay dowlada Soomaaliya ayaa waxay Maanta gaareen Magaalada Muqdisho waxayna kulamo la qaateenMadaxda ugu sareysa Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka dowlada Soomaaliya Fawziya Abiikar Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhoweeysay Wafdiga ballaaran ee kasocda Xafiiska ugu sareeya Hay’adda Caafimaadka Adduunka (World Health Organization- WHO).
Xubnaha Wafdiga iyo Madaxda Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaay Magaalada Muqdisho ku yeesheen kulan ay uga hadlayaan Arrimo dhowr ah oo ku saabsan dhinaca Caafimaadka,sida ay sheegtay wasiirada Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Fowzia Abiikr Nuur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here