DHAGEYSO:Wafuud kala duwan oo Maanta ku sii qulqulaya dalka Jabuuti

Hogaamiyeyaal ka kala socda Soomaaliya,Soomaaliland iyo Ethopia ayaa waxay ku sii qulqulayaan Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti si halkaas ay ugu yeeshaan kulan aad muhiim ugu ah dhinacyada Soomaaliya.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo wafdi uu hoggaaminayo oo waabarigii hore ee saaka ka ambo baxay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa si ballaaran loogu soo dhaweeyey caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Magaalada Jabuuti.
Madaxweynuhu waxa gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Jabuuti, Cabdiqaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayaan wasiirrada arrimaha dibadda, Maxamuud Cali Yuusuf iyo Beeraaha, Biyaha iyo Xanaanada Xoolaha, Maxamed Muuse Cawaale (Maxamed Soomaali) iyo Safiirka Somaliland ee Jabuuti Amb Cabdifataax Siciid Axmed.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Madaxda Waddanka Jabuuti kulan nasasho ah kula qaatay qeybta VIP-da ee Madaarka, waxaana Wafdiga Madaxweynaha loo gelbiyey dhanka Hotelka Kempinski oo loogu tala galay inay halkaas ku sugnaadaan.
Markii ay wafdigaan Saaka ka baxayeen Madaarka Hargaysa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka arimaha diba Soomaaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa tilmaamay wada-hadallada ka furmaya Jabuuti iyo doorka Dowladaha Mareykanka iyo Jabuuti ku leeyihiin.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa sidoo kale ka ambabaxay Magaalada muqdisho, iyagoo ku wajahan dalka Jabuuti.
Wafdiga ayaa waxaa kamid ah Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Khayre iyo xubno ka tirsan goleyaasha dowladda, si ay dalka Jabuuti ugula soo kulmaan Wafdiga kale ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliland.
Garoonk Diyaaradaha Jabuuti waxaa wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ku qaabilay Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Mudane Maxamed Cali Xamud iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda Jabuuti.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa sidii soomaaliland oo aaminsan inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale loogu qancin lahaa inay kamid noqoto Maamulada hoosymaada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxaana shir guddoominaya Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle,ayadoo ay garwadeen ka yihiin Dowladaha Mareykanka, Jabuuti,Midowga Afrika iyo Midowga Yurub.
Saacadaha Soo socda ayaa waxaa lagu wadaa inuu Magaalada Jabuuti ka furmo shirka Soomaaliya iyo Soomaaliland wuxuuna noqonayaa shir aad heerkiisu u sareeyo Marka loo eego madaxda ka qayb galayso maadaama shirarkii hore aysan sidaan oo kale hal mar uga wada qayb gali jirin sadexda Masuul ee ugu saraysa Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa horay dalka Jabuuti u tegay Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed oo isna kulankaan qayb ka ah sida uu horay u shaaciyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Prof Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa faahfaahinaya waxa la rajaynayo inay ka soo baxaan wada hadaladaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here