DHAGEYSO:Wajiga koobaad ee ka gaashaamashada Fatahaada Beledweyne oo la soo gabagabeeyay

Guddiga qorshaha xaalka waara ee fatahaadaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaay soo geba-gabeeyeen wajiga koowaad ee dadaalada waxka qabshada fatahaahada xalka deg deg ah.
Xubnaha guddiga ayaa todobaadyadii la soo dhaafay ku howlanaa dhisida biyo xireen si looga hortaggo fatahaada uu sanad walba Magaalada Beledweyne uu Wabiga ka geysto,isla markaaa ay ku barakacaan kumanaan qoysas ah.
Goobaha biya xireenka laga sameeyay waxa ka mid ah tuulada Hilikilyo oo dhacda duleedka waqooyi ee magaalada Baledweyne halkaasoo kamid aheyd meelaha ay biyuhu sida daran uga soo jabsan jireen karkaarada.
injineerada gacanta ku haya dhismaha Biyo xireenka ayaa sharaxaad ka bixiyay sida ay u socoto Shaqada dhisida Biyo xireenka si aysan markale u dhicin fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka geysto Magaalada Beledweyne oo sanadkasta ugu yaraan labo Mar saamayn weyn ku yeesha.
Guddoomiyaha guddiga gurmadka Fatahadaha Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow ayaa dhankiisa sheegay inay soo geba-gabeeyeen wajiga koobaad ee biyo xireenka Hilikilyo, isla markaana ay rajeynayaan inay guulo ka gaaraan.

Guddigan ku howlan la tacaalida iyo ka hortagga fatahaada uu sameeyo wabiga Shabeelle ee Magaalada Beledweyne ayaa sameynaya Carro tuuro waaweyn oo ay dhigayaan goobaha uu Wabiga ka jilicsan yahay si uusan u fatahin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here