DHAGEYSO:Wajiga labaad ee wada hadallada nabadeed oo ka furmay deegaanka Banisa

Deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera waxaa maanta ka furmay wajiga labaad ee wada hadalo nabadeed oo halkaasi lagu qabanaya kaddib dagaal beeleedyo ay maalmo ka hor ku dhinteen ugu yaraan 13 qof.
Waxaa kulamada ka qeyb galaya waxgarad, siyaasiyiin, hay’ado iyo saraakiisha sar sare ee ammaanka.
Kaddib markii dagaalladu ay dhaceen horraantii bishan ayaa waxaa la qabtay kulan degdeg ah oo xaaladda lagu dejinayay.
Waxaa shirkaasi xigay mid kale oo dhacay 5-tii bishan Tobnaad oo qodobo dhowr ah laga soo saaray , iyadoo maanta markale halkaasi la isugu tagay si xal waara loogu helo colaadda soo noqnoqotay.
Ugaasyada beelaha deegaankaasi wada dega ee shirka ka qeyb galaya ayaa khadka taleefoonka ugu warramay Mowlid Maxamad Shuuriye.

 

Waxaa dadaalada dib u heshiisiineed iyo qabanqaabinta kulamada kaalin weyn ka qaadanaysa hay’adda Islamic Relief oo mas’uul ka tirsan uu dhawaan faahfaahin na siiyay

 

Deegaanka Banisa ee ismaamulka Mandera waxaa hadda ku sugan oo xaaladda amni iyo jawiga guud nooga warramay wariyahayaga Maxamad Cabdiqaadir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here