DHAGEYSO:Wajiga saddexaad ee wadada Janaraal Daa’uud oo la bilaabay

Waxaa dib loo bilaabay dayactirka wajigii saddexaad ee dhismaha Wadada Janaraal Daa’uud ee Magaalada Muqdisho taa soo dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay hakad gashay sababa la xariira Roobkii isdaba jooga ahaa ee Muqdisho ka da’ay.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Mqudisho ee Caasimadda Soomaaliya Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish, guddoomiyeyaasha degmooyinka Warta Nabada,Boondheere, Masuuliyiin ka socotay rugta ganacsiga Soomaaliyeed iyo xubno kale ayaa kormeer ku sameeyay dhismaha wadadaan.
Labada Guddoomiye ee degmooyinka Boondheera iyo Warta nabadda ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimada wadadaan Janaraal Daa’uud ay bulshada u leedahay.

Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa isna xusay in dhismaha wadadaan juhdi badan lagu soo bixiyay sidaas darteedna loo baahan yahay in la sii wada dadaalada Socda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqudisho ee Cumar Maxamuud Maxamad Cumar Filish oo booqday dhismaha wadadaasi ayaa shacabka ka codsaday inay qayb ka noqdaan dhismaha iyo hormarka dalkooda Hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here