DHAGEYSO:Wakiilada goolaha hoose ee Kirinyaga oo ku hanjabay in mooshin xilka qaadis ah ka gudbin doonaan Anne Waiguru

Wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga ee gobolka bartamaha dalka ayaa soo saaray digniin toddobo cisho ah oo ay u dirayaan guddoomiyaha ismaamulkaasi Anne Waiguru.
Hanjabaadda ayaa imaaneyso kaddib markii wakiillada dowlad deegaankaasi ay sheegeen in shaqaalaha maamulkaasi muddo laba bilood musharaadkooda la siin.
Waxaa ay sheegeen in haddii shaqaalahan musharkooda lagu siin waayo muddo 7 maalmood gudahood, inay mooshin ka gudbin doonaan barasaabka
Wakillada soo saaray amarkan oo ay ku tilmaameen mid kama dambeys ah ayaa gaarayo ilaa 25.
Wakiilka deegaanka hoose ee Baragwi David Mathenge ayaa sheegay in ka badan 100 shaqaale caafimaad ah kuwaas shaqada dib loogu soo celiyay kaddib markii 2019 aan la siin wax mushaar ah in kasta oo goluhu meel mariyay 1.5 bilyan shilin dalka ah oo ah dhaqaalaha loogu talagalay bixinta mushaarka shaqaalaha caafimadka.

9-kii bishii lixaad ee sannadkan ayay  ahayd markii  23 ka mid ah wakiillada golaha hoose  ee Kirinyaga ay si aqlabiyad leh ugu codeyeen inay xafiiska baneeyso barasaabka oo ay  ku eedeyeen maamul xumo  sida musuqmaasuqa  iyo  inay dastuurka ku xadgudubtay.

Balse guddi ka koobanaa 11 xubnood u aqalka sare xiligaasi  uu u xilsaaray inuu baaritaano ku sameeyo xilka qaadistii  barasaabka  ismaamulka Kirinyaga  Anne Waiguru  ayaa sheegay inaysan jirin cadeymo ku filan oo xilkeeda ay ku weyn karto guddoomiye Waiguru.

 

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here