DHAGEYSO:Wakiilada Kirinyaga oo doonaya inay xilka ka qaadaan barasaabka ismaamulkaas

Wakiilada golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga gobolka bartamaha dalka ayaa qorsheynaya inay xilka ka xayuubiyaan guddoomiyaha dowlad deegaankaas Anne Waiguru oo ay maamul xumo ku eedeynayaan.
24 ka mid ah ayaa lagu soo warramayaa inay seexdeen gudaha xarunta golaha hoose ee Kirinyaga.
Mrs. Waiguru ayaa wajahaysa eedeymo la xiriirra musuqmaasuqa iyo inay awoodeeda ku takriifashay.
Wakiilada ayaa ka hadlay xilka qaadista ay la damacsanyihiin barasaabka in kastoo Waiguru ay dhankeeda arrinkaas ku tilmaantay mid siyaasadeysan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here