DHAGEYSO:Wakiilada Maamulka Puntland oo soo saaray qodobo ay dowladda dhexe kaga soo horjeedaan

Golaha Wakiiladda Maamul Goboleedka Soomaaliyeed Puntland ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xaalada Siyaasadeed ee dalka Soomaaliya,sida Arimaha doorashada,Mataalada Gobolka Banaadir iyo xeerarka ay ansixiyeen Xildhibaannada Golaha Shacabka.
Kulan ay Maanta Xildhibaannada Puntland ku yeesheen garoowe ayaa waxaay kasoo saareen War-Saxaafadeedka ka kooban 13 qodob oo ku sheegay in marnaba aysan ogolaan doonin Xeerarka doorashadooyinka ee ay ansixiyeen Xildhibannada Golaha Shacabka.
Sidoo kale Wakiilada Puntand waxaay gebi ahaanba diideen matalada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare laga siiyay 13 Xubnood,iyagoo sidoo kale sheegay in hadal-jeedintii guddoomiyaha Guddiga madax bannaan ee doorasjooyinka ay u muuqatay mid Guddiga uu ku fashilmay Shaqooyinkii loo igmaday.
Golaha wakiilada Maamulka Puntland ayaa sidoo kale sheegay inay aaminsan yihiin in Gobolada Banaadir, Sool iyo Sanaag ay xaq u leeyihiin inay helaan matalaada Aqalka sare,iyadoo loo marayo hab raacsan dastuurka dalka sida hadalka u dhigeen.
War-saxaafadeedka kasoo baxay Golaha wakiilada Maamulka Puntland oo aad u dheer ayaa waxaa loogu baaqay Xukuumadda Puntland inaysan ka qeyb-gelin Shirka uu ku baaqay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo,waxaana sidoo kale ay sheegeen in Puntland ay qaadaneyso Go’aan kasta oo lagu badbaadinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland sida ay warka u dhigeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here