DHAGEYSO:Wakiilka haweenka ee Garissa oo ka hadashay dil dhawaan 2 qof loo gaystay

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Garissa Canab Suubow ayaa wacad ku martay inaynan marnaba ka daali doonin inay dadaal ku bixiso sidii cadaalad ay u heli lahayeen ehellada labo qof oo maalmo ka hor la dilay.
Maalinkii Sabtida ayay ahayd markii magaalada Garissa lagu dilay labo ruux waxaana falkaas lagu eedeyay ciidamada ammaanka.
Labadii maalmood ee ugu dambeeyay waxaa Garissa ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo dhacdadaas oo ay mas’uuliyiinta la soo doortay ku tilmaameen mid nasiib darro ah.
Canab Suubow oo warbaahinta la hadashay ayaa dareenkeeda sidan u muujisay .

Taliyaha booliska ee ismaamulka Garissa Alfred Angengo ayaa shacabka ugu baaqay inay isdejiyaan.
Waxaa uu ku booriyay inay laamaha ammaanka fursad u siiyaan inay soo gabagabeyaan baaritaannada socdo.
Maanta ayaa la filayaa in maxkamadda la soo taago labo ka mid ah ciidamada oo dilkaas lala xiriiriyay oo hadda xabsiga ku jiro.
Laamaha ammaanka ee dalka ayaa sheegay in toogashada labada qof ay timid kaddib markii dad shacab ah ay saraakiisha ka hor istaageen inay xiraan qof lagu eedeyay inuu horay dil u gaystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here