DHAGEYSO:Wakiilka haweenka ee Isiolo oo codsatay in la qabto kulan BBI oo deegaanadaas gaar u ah

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Isiolo Rehema Jaldesa ayaa ku baaqday in la qabto kulan u gaar ah dowlad deegaannada Isiolo iyo Marsabit si shacabka loogu wacyi geliyo warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta Kenyaanka ee BBI.
Waxay carrabka ku dhufatay in ismaamulka Meru lagu qabanayo kulan loogu talagalay dadweynaha ku nool dowlad deegaanada hoos tago gobolka bartamaha dalka oo Isiolo iyo Marsabit aynan qeyb ka ahayn.
Mrs. Jaldesa ayaa ku nuuxnuuxsatay in Kenyaanka ku nool labadaas dowlad deegaan ay xaq u leeyihiin in iyagana la wacyigeliyo

Waxaa guud ahaan dalka ka jirta hadal hayn balllaaran oo ku aaddan arrimaha BBI iyo isbeddelada la filayo inay wadanka u horseedo.
Dhanka kale xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ahna hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ayaa hoosta ka xarriiqay inaan la qaban karin kulan BBI oo u gaar ah waqooyi bari ilaa iyo inta laga xallinayo dhibaatooyinka jira sida waxbarashada iyo amni darrada.
Waxaa uu xusay in madaxda la soo doortay laga doonayo inay diiradda saaraan xal u helidda arrimaha sida tooska ah u taabanaya nolosha shacabka ay matalaan.
Cod
Waxaa uu qorshuhu yahay in 23-ka bishan magaalada Garissa lagu qabto kulanka BBI qeybtiisa gobolka waqooyi bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here