DHAGEYSO:Wakiilka haweenka ee Nairobi oo ku baaqday in wax laga qabto musuqmaasuqa

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi Mrs. Esther Passaris ayaa baaq ka soo saartay ololaha loogu jiro in bisha sideedaad ee sannadkan ay dalka ka dhacdo afti wax looga beddelayo dastuurka.
Waxay soo jeedisay inaan meesha laga saarin jagada wakiilada haweenka ee dowlad deegaanada.
Mrs. Passaris ayaa carrabka ku adkeysay in xilkaasi uu yahay mid muhiimaad gaar u leh horumarinta noolosha haweenka , dhalinyarada iyo naafada.
Waxay sheegtay inaan qiil laga dhigan Karin in xilalkani ay culeys ku hayaan dalka .
Dhanka kale waxay soo jeedisay in haddii la doonayo in la badbaadiyo dhaqaalaha wadanka, in la qaado tallaabooyin adag oo lagula tacaalayo musuqmaasuqa.

Dhawaan ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorasooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC uu shaaca ka qaaday inuu xaqiijiyay saxiixyo loo soo gudbiyay oo muujinaya in shacabka ay taagerayaan in wadanka ay ka dhacdo afti qaran oo wax looga beddelayo dastuurka hadda la isticmaalo.
Saxiixyadan oo tiro ahaan gaaraya 1.2 milyan ayaa waxaa soo gudbisay koox uu hor kacayo hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr. Ekuru Aukot.
Isbeddelka ay doonayaan waxaa ka mid ah in la dhimo tirada xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha golayaasha deegaanada hoose ee dalka .
Waxay soo jeedinayaan in tirada xildhibaanada baarlamaanka iyo xubnaha aqalka sare oo hadda ah 416 in lagu soo reebo 147.
Sido kale muddo xileedka madaxweynaha dalka oo hadda ah laba mar oo min shan sano ah in laga dhigo hal xilli oo toddobo sano ka kooban.
Waxay sido kale kooxda ololahan waddo ku talinaysaa in meesha laga saaro xilalka siyaasiyiinta la soo magacaabay ee xubnaha ka ah aqalka sare iyo golayaasha ismaamulada sido kalena miisaaniyadda dhaqaale ee loo qoondeeyo dowlad deegaanada in la kordhiyo oo laga dhigo boqolkiiba 35 halka hadda ay tahay boqolkiiba 15.
Ololaha ku aaddan aftida la qorsheynayo ayaa loogu magacdaray Punguza Mzigo oo ay micnaheedu tahay in Kenyaanka laga yareeyo culeyska saaran ee dhanka tirada badan ee siyaasiyiinta ku matala golayaasha kala duwan.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Mr. Wafula Chebukati ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in kooxda ololahan ku howlan ay soo gubisay tiro saxiixyo ah oo ka badan hal milyan oo uu dastuurka wadanka u degsan qeexay.
Mr. Chebukati ayaa intaasi ku daray in guddigu uu xaqiijiyay saxiixyada oo uuna ku qancay.
Waxay tani micnaheedu tahay in hindise sharciyeedka wax looga beddelayo dastuurka ee guddiga IEBC loo gudbiyay 28-kii bishii labaad ee sannadkan , hadda la horgeyn doono golayaasha ismaamulada.
Ilaa iyo hadda codbixiyayaal Kenyaan ah oo gaaraya hal milyan, laba boqol labaatan iyo laba kun, shan boqol afartan iyo koow qof ayaa taageeray in sharci baddel la sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here