DHAGEYSO:Wakiilka haweenka ee Wajeer oo ka hadashay barnaamijka fara bixinta

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Wajeer Fatuma Gedi Cali ayaa sheegtay inay dowladda ka codsan doonaan inay kordhiso mudada ay u qabatay in Kenyaanka iska diiwaangeliyay hay’adda UNHCR looga saaro faraha qaxootiga.

 

Waxay sido kale walaac ka muujisay caqabado dhanka maareynta miisaaniyadda ah oo ka jiro dowlad deegaanka ay baarlamaanka ku matasho.
Mrs. Gedi ayaa sido kale ku baaqday in shacabka loo shaqaaleysiiyo qaab ay caddaalad ku dheehan tahay.

 

Waxay dhanka kale bulshada ku baraarujisay inay xuquuqda ay leeyihiin gartaan si ay ula xisaabtamaan mas’uuliyiinta ay soo doorteen dabagalna ugu sameeyaan mashaariicda horumarineed ee deegaanadooda laga hirgelinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here