DHAGEYSO:Wakiilkii deegaanka hoose ee Abaqeeyle oo xilkiisa difaacday

Waxaa xalay xilli dambe lagu dhawaaqay natiijadii ka soo baxday doorashadii ku celiska ahayd ee shalay ka dhacday deegaanka hoose ee Abaqeeyle oo ka tirsan Dadaab ismaamulka Garissa.
Guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC ayaa shaaciyay in mar kale codeyntaasi uu ku guulaystay Maxamad Cali Sheekh oo jagadii uu hayay balse lagu murmay uu difaacday.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee deegaanka Dadaab Maxamad Baaruud Xuseen oo doorashada iyo maareynteeda si dhow ula socday ayaa faahfaahin dhameystiran noo soo diray.

 

Waxay doorashadan kuwo la mid ah ka dhaceen deegaanada hoose ee Ganda, Loiyangalani iyo Mutonguni ee ismaamulada Kilifi, Marsabit iyo Kitui.
Doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka hoose ee Ganda, ismaamulka Kilifi waxaa mar kale ku guulaystay Reuben Katana oo matalayay xisbiga ODM wuxuuna helay codad dhan 4,177 halka Cabdul Cumar oo musharax madaxa bannaan ahaa uu helay 2,331 oo codad ah waxaana soo raacay musharaxa Jubilee ,Joseph Kiponda oo soo hooyay codad dhan 589.
Codeyntii ka dhacday deegaanka hoose ee Mutonguni ee ismaamulka Kitui waxaa ku soo baxay Musee Mati oo matalayay xisbiga MCC oo helay codad dhan 2,892 .
Sido kale waxaa uu qorshuhu yahay in 7-da bisha 11-aad ee sannadkan doorasho ku celis ah ay ka dhacdo deegaanka Kibra ee magaaladatani Nairobi kaddib markii cudurka Kansarka uu u dhintay xildhibaankii baarlamaanka ku matalayay Ken Okoth.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here