DHAGEYSO:Wararkii ugu dambeeyay weerarkii shalay lagu qaaday bas marayay inta u dhexeysa Kutulo iyo Wargadud

Wakiilka laga soo doortay Wargaduud Ciisa Axmed ayaa cambaareeyay weerarkii shalay kooxo hubaysan ay ku qaadeen bas marayay inta u dhexeysa Kutulo iyo Wargadud ee dowlad deegaanka Wajeer.

Dhinaca kale barasaabka ismamaulka Mandera ayaa cambaareeyay dhacdadii shalay lagu weeraray Baska Madina isagoona ku tilmaamay inay tahay wax laga xumaado.
Waxaa uu sheegay inay murugada la qeybsanayaan dadkii la dilay eheladooda.
Dhanka kale ciidamada booliska dalka ayaa xaqiijiyay in weerar lagu qaaday gaari bas ah oo marayay meel u dhaw 5 km ee Kotulo.
waxaa ay ciidamada sheegeen in dad badan la aaminsanyahay inay weerarka ku dhinteen balse warbixin laga soo saari doono.
kooxda Al Shabaab ayaa la aaminsanyahay imay ka dambaysay weerarka.
Warar kala duwan ayaana ka soo baxaya weerarka lagu qaaday baska waxaana la sheegay inay ku dhinteen 8 ila iyo 10 qof .
Insha Allah wararka ku soo kordha wararlka iyaga dambe ayaad ku maqli doontaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here