DHAGEYSO:Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Baadweyne

Warmurtiyeed ayaa laga soo saaray Shirka madasha bani’aadanimo ee dalka Somalia oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda gargaarka xukumadda federaalka Somalia

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta shir guddoomiyay Kulanka Guddiga joogtada ah ee Golaha oo looga hadlay qorshe u sameynta sidii loogu gurman lahaa dadka ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaada wabiga Shabeelle uu ka geystay gobolka Hiiraan iyo Daadadka ku rogmaday Degmada Berdaale ee Gobolka Baay.
Kulanka oo ay Sidoo kale joogeen Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey iyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad,waxa ay xubnaha Guddiga joogtada ah ay aad uga doodeen sidii dadkaasi gargaar deg deg ah loo gaarsiin lahaa maadaama ay tahay arin u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here