DHAGEYSO:Warbixinta BBI oo maanta lagu soo bandhigaya xarunta Bomas ee Nairobi

Waxaa weli socoto munaasabadda Kenyaanka loogu soo bandhigaya warbixinta labaad ee guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI .
Warbixintii ugu horreysay ee guddigan ayaa shaaca laga qaaday 27-kii bishii 11-aad ee sannadkii hore.
Waxay ku saleysnayd qodobbo kala duwan oo 2018-kii ay madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ku heshiiyeen in xal loo raadiyo kaddibna Kenyaanka wax laga weydiiyay.
Warbixinta maanta la soo bandhigaya ayaa timid kaddib dib u eegis lagu sameeyay midii lagu dhawaaqay sannadkii hore .
Munaasabadda maanta waxaa ka qayb galaya mas’uuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta , ku xigeenkiisa William Ruto, madaxa ODM, Raila Odinga, madaxa xisbiga ANC Musalia Mudavadi, dhigiisa Ford-Kenya Moses Wetangula ,wasiirro senatarro , xildhibaano , wakiillada haweenka , wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada , barasaabyada , ku xigeenadooda , guddoomiyaasha golayaasha hoose ,aqoonyahaano, ururada bulshada , xubno matalaya dhallinyarada, haweenka , naafada iyo marti kale.
Maalinkii Arbacada ee toddobaadkii hore ayaa madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta iyo hoggamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga si rasmi ah loogu wareejiyay warbixinta labaad ee BBI xilli ay ku sugnaayeen ismaamulka Kisii.
Xaruta Bomas ayaa madaxda joogta ayaa waxaa ka mid ah ku xigeenka madaxweynaha dalka Dr. William Ruto oo dhaliilay geedisocodka BBI.
Xulafada madaxweye ku xigeenka oo uu ka mid yahay senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ayaan goobta ku sugneeyn.
Qabanqaabiyaasha munaasabadda lagu soo bandhigaya warbixinta BBI ayaa sheegay in tirada dadka ay marti qaadeen ay ku saleyeen u hoggaansanka tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee xakamaynta cudurka Covid-19.
Munaasabadda ayaa qorshuhu ahayd inay billaabato 9.30 subaxnimo ee maanta balse waxay billaabatay abaare 11.15 barqabinmo iyadoo la sugayay madaxweynaha dalka.
Shacabka aan ku sugnayn xarunta Bomas ayaa hadallada mas’uuliyiinta si toos ah uga daawanaya warbaahinta kala duwan ee wadanka.
Dhanka kale, hoggaamiyayaasha ilaa iyo hadda hadlay waxay muujinayeen aragtidooda ku aadan waxa ku jira warbixinta, iyagoo raacinaya sababaha ay u taageeraan ama uga soo horjeedaan.
Ururka macallimiinta dalka ee KUPPET ayaa taageeray warbixinta balse waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin soo jeedinta qodobaada qaar ee ku xusan BBI
Waxaa ayna sheegeen in ay tahay in wax laga beddelo ka hor inta aan la hirgelin.
Xoghayaha guud ee dalladda ururada shaqaalaha ee COTU Mr. Francis Atwoli ayaa soo dhaweeyay warbixinta wuxuuna madaxweynaha iyo Raila Odinga ugu baaqay inaan marnaba la cabsi gelin oo ay ka dhabeyaan isbeddellada ay doonayaan in wadanka laga sameeyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here