DHAGEYSO:Warbixinta BBI oo siyaabo kala duwan looga hadlay

Wakiilka haweenka ee ismaamulka Laikipia Catherine Waruguru ayaa ku baaqday in doodaha ku saabsan arrimaha BBI aan la siyaasadeyn .
Waxay soo jeedisay in xuquuqda iyo danaha haweenka si buuxda loogu tixgeliyo warbixinta

Xildhibaanadda deegaanka Likoni ee ismaamulka Mombasa Mishi Mboko ayaa cid kasta ugu baaqday inay warbixinta akhriso oo aan dacaayad lagu marin habaabin.
Waxay carrabka ku adkeysay in warbixinta ay xal u tahay sinnaanta jinsiyadeed oo uu baarlamaanka ku guul dareystay inuu ansaxiyo taasoo keentay in madaxa cadaaladda ee dalka David Maraga uu madaxweyne Uhuru Kenyatta kula taliyo inuu baarlamaanka kala diro

Mid ka mid ah wakiillada sida magacaabidda ku galay golaha ismaamulka hoose ee Nyamira ayaa sheegtay in haween ahaan ay ku faraxsan yihiin kordhinta qoondadooda siyaasadeed sida in ismaamul kasta uu lahaan doono haweeney senatarad ah.
Sidoo kale waxay xustay in arrin loo riyaaqo ay tahay in guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI uu qeexay in miisaaniyadda ay dowladda dhexe siiso ismaamullada ee hadda ah boqolkiiba 15 laga dhigo boqolkiiba 35.
Barasaabka ismaamulka Kitui Charity Ngilu ayaa hoosta ka xarriiqday in hadii boqolkiiba 35 ee dhaqaalaha dowladda lagu wareejiyo ismaamullada in Kenya ay ka gudbayso saboolnimada.
Waxay ku nuuxnuuxsatay inay lagama maarmaan tahay in dhaqaalahan la kordhinaya sida habboon loo isticmaalo iyadoo si gaar ah u codsatay in la wanaajiyo daryeelka caafimaad.
Alex Matere oo dhalinyarada matalayay ayaa sheegay in da’yarta ay dani ugu jirto warbixinta isagoo tusaale u soo qaatay maalgelinta xarumaha lagu barto farsamada, in muddo 7 sano ah aan canshuur laga qaadayn dhalinyarada si uu ganacsigoodu u kobco, in muddo afar sano aysan bixinayn deymaha guddiga amaahda ee HELB ee tacliinta sare .
Waxaa uu soo dhaweeyay qodobka ay soo jeedinayso warbixinta guddiga BBI ee ah in la soo dhiso guddi ka shaqeynaya arrimaha dhallinyarada dalka.
Ashura Michael oo ku hadleysay afka naafada ayaa siyaasiyiinta doonaya in sannadka 2022-ka ay noqdaan guddoomiyaasha ismaamullada ka codsatay in ay ku xigeen ka dhigtaan mid ka mid ah dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Nick Nesbitt oo ka socday shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay ayaa sheegay inay Khasab tahay in la soo afjaro qandaraasyada ay shakhsiyaad gaar ah ka faa’iidaystaan oo la hubiyo in dhallinyarada iyo haweenka aan laga qadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here