DHAGEYSO:Warbixinta guddiga BBI oo maanta la soo bandhigaya

Waxaa lagu wadaa in 10-ka barqannimo ee maanta xarunta Bomas ee magaalada Nairobi shaaca looga qaado warbixinta uu soo saaray guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna ayaa sheegay in la dhamaystiray diyaar garowga arrinkan ku aaddan isagoo warbaahinta kala duwan ee wadanka ka codsaday inay munaasabadda si toos ah u tabiyaan.
Madaxweynaha dalka Mr.Uhuru Kenyatta ayaa si rasmi ah Kenyaanka ula wadaagi doono warbixinta oo aad loo wada sugaya in kastoo la hadal hayay tan iyo markii shan maalmood ka hor isaga iyo madaxa xisbiga ODM,Raila Odinga lagu wareejiyay iyagoo ku sugan ismaamulka Kisii.
Hoggaamiyaha dalka ayaa maalinkaas shacabka ugu baaqay inay warbixinta si shakhsi ah u akhristaan oo ayna fahmaan.
Waxaa uu dadweynaha ku booriyay inaysan madaxda siyaasadeed ka sugin in ay u fasiraan qodobbada ku xusan warbixinta guddiga BBI maadaama ay suurtagal tahay in qaar ka mid ah ay fursadda uga faa’iidaystaan oo ayna codbixiyayaasha marin habaabiyaan.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay warbixinta BBI ay tahay xoojinta midnimada iyo isdhexgalka bulshada,xal u helidda caqabadaha wadanka haysta sida doorashooyinka guud ee natiijada ka soo baxdo lagu kala qaybsamo, qabyaaladda , musuqmaasuqa , sinnaan la’aanta dhanka horumarka iyo in qowmiyadaha dalka aysan ka wada dhex muuqan maamulka dowladeed.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa hoggaamiyaasha uga digay inay siyaasadeeyaan warbixinta wuxuuna kula taliyay in ay dadaal ku bixiyaan sidii wax looga beddeli lahaa hadii ay jiraan qodobbo aan lagu wada qanacsaneyn.
Mr. Raila Odinga , madaxa xisbiga ODM ayaa dhankiisa xusay in warbixintan ay fursad siinayso dhammaan dadweynaha sidoo kalena ay horseedeyso xaqiijinta badqabka iyo nabadgalyada Kenyaanka oo dhan.
Madaxda siyaasadeed ee dalka ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta ee BBI oo ay sheegeen inaysan xallinayn caqabadaha shacabka haysta balse ay jagooyin dheeraad ah u abuurayso shakhsiyaad gaar ah.
Mas’uuliyiinta qaabka wax loo wado dhaliilay waxaa ka mid ah ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto oo xusay inuusan diidanayn in isbeddel la sameeyo balse ay lagama maarmaan tahay in Kenyaanka laga qayb geliyo geedisocodkan.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in hadii qodobbada la soo jeediyay aan lagu saleyn xallinta dhibaatooyinka shacabka haysta iyo wanaajinta noloshooda aysan micno lahayn in dastuurka wax laga beddelo.
William Ruto ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in ugu horreyn la dhaqangeliyo qorshayaasha horumarineed ee dowladda ka hor inta aan laga hadlin raadinta jagooyin siyasadeed oo dheeraad ah.

Waxaa uu madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto soo saaray wargelin ah in sannadka 2022-ka ay dadka muruqmaalatada ah dowlad soo dhisayaan isagoo ka hadlay sababta siyaasadiisa looga soo horjeedo.

Qodobbada ku xusan warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI waxaa ka mid ah in dowlad deegaan kasta laga soo doorto labo senatar oo isugu jiro qof rag ah iyo haweeney.
Ismaamul kasta waxaa uu hadda leeyahay hal senatar oo loo doortay inuu si dhow ula socdo waxqabadka dowlad deegaankiisa si mas’uuliyiinta loola xisaabtamo.
BBI waxay sidoo kale soo jeedinaysaa in wadanka uu yeesho ra’iisul wasaare iyo labo ku xigeen.
Hadii isbeddeladan ay meel maraan, madaxweynaha ayaa awood u yeelan doono inuu soo magacaabo sidoo kalena xilalka ka qaado ra’iisul wasaaraha iyo ku xigeenadiisa.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI ayaa noqon doonto mid madax bannaan.
Golaha wasiirada ayaa laga soo xulan doonaa xildhibaanada baarlamaanka iyo aqoonyahaanada kale.
Waxaa meesha laga saaraya jagooyinka wakiillada haweenka ee ismaamullada.
Sidoo kale waxaa meesha ka baxaya siyaasiyiinta si magacaabid ah ku galay baarlamaanka iyo aqalka sare.
Waxaan jiri doonin xilka hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka iyadoo dowladda ay aqoonsan doonto madaxa mucaaradka.
Warbixinta BBI waxaa sidoo kale ku xusan in barasaabka ismaamulka iyo ku xigeenkiisa aysan isku jinsiyad ka soo wada jeedi Karin.
Miisaaniyadda dhaqaale ee ay dowladda dhexe siiso ismaamullada oo hadda ah boqolkiiba 15 ayaa laga dhigayaa 35.
Golaha fulinta ee dalka waxaa uu ka koobnaan doonaa madaxweyne, ku xigeenkiisa, ra’iisul wasaare iyo labo ra’iisul wasaare ku xigeen.
Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa laga doonaya in ugu yaraan boqolkiiba 30 ee kuraasta ay u qoondeeyaan haweenka iyo dhallinyarada.
Dhallinyarada ganacsatada ah ayaa muddo 7 sano ah laga cafinayaa canshuurta si ganacsigoodu uu u kobco.
Sidoo kale waxaa deegaanada hoose ee ismaamullada laga sameynayaa xarumo gaar u ah sare u qaadidda ganacsiga.
Tirada xildhibaanada la soo doorto ee baarlamaanka ayaa lagu kordhinayaa 38 si ay u noqoto 454.
Tani ayay micnaheedu tahay in deegaan baarlamaneedyada baaxadda leh sida Ijara iyo Koonfurta Wajeer laga soo dooran karo labo xildhibaan.
Ardayda inta ay jaamacadaha dhiganayeen qaatay deymaha guddiga HELB ayaan laga dalban doonin inay bixiyaan amaahda inta ay shaqo ka helayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here