DHAGEYSO:Wareysi uu bixiyay wasiirka arrimaha gudaha ee Galmudug oo la hadal hayo

Waxaa hadal hayn ballaaran oo dhanka baraha bulshada ah ay ka dhalatay arrin uu dhawaan ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Maxamed Cabdi Waayeel .
Wasiirka ayaa sheegay in degmada Guriceel aysan ku jirin degmooyinka loo dhisayo golayaasha deegaanka Galmudug.
Tani ayaa keentay hadal hayn iyo dhaqdhaqaaq dadka ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin in iyaga oo laga qaado caanshuur ka badan tan degmooyinka kale ee Galmudug ay haddana waayaan in loo dhiso gole deegaan.
Shugri sheekh mire oo ka mid ah gabdhaha waxbartay ee deegaanka ayaa sheegtay in Guriceel la wada og yahay sida ay u buuxisay sharuudaha degmo lagu qaadan karo waxayna ku baaqday in lagu dadaalo sidii loo heli lahaa xuquuqda dhanka maamulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here