DHAGEYSO:Warshadda Rivatex ee Eldoret oo maaskaro soo saari doonto

Maamulka warshadda dharka sameeysa ee Rivatex oo ku taalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uashin Gishu ayaa sheegay inuu ku guda jiro sidii loo soo saari lahaa maaskaro ama marada sanka lagu xirto ee loo yaqaano Facemask oo badan.
Tallaabadan ayaa looga gol leeyahay in lagu xoojiyo dadaalka Dowladda dhexe ee ku aaddan xakameynta faafitaanka cudurka Covid-19.
Guddoomiyaha Dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Uashin Gishu Cabdirisaaq Jaldesa iyo barasaab ku xigeenka dowlad deegaankaas Daniel Chemno ayaa sheegay in warshadda ay maalinkii soo saari karto ilaa 5000 .
Waxay intaa ku dareen in adeeggan qiimo ay shacabka awoodaan looga iibin doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here