DHAGEYSO:Wasaarada amniga maamulka Jubaland oo beenisay warqad lagu baahiyay baraha bulshada.

Afhayeenka wasaarada amniga ee maamulka Jubaland oow arbaahinta la hadlay ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay ay baraha bulshada qabsadeen waraaqo been abuur ah oo lagu sheegay inay ka soo baxeen wasaarada amniga kuwaasoo looga hadlayay arimo la xiriira doorashada maamulkaas iyo amniga deegaanada uu maamulku gacanta ku hayo.
Afhayeenka wasaarada amniga ee Jubaland ayaa xusay in amaanka deegaanada maamulkaasi uu wanaagsan yahay howluhuna u socdaan sida loogu Tala galay isagoo dhanka kale shacabka ugu baaqay inay ka qayb qaataan sugida amniga deegaanada maamulka Jubaland maadaama xiligaan ay deegaanada Jubaland doorasho ka jirto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here