DHAGEYSO:Wasaarada Batroolka Soomaaliya oo kulamo la qaadatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Maraykanka.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta & Batroolka dowlada Soomaaliya Maxamuud Hilaal oo dalka Maraynkanka Ku Sugan ayaa wuxuu kulamo la qaatay qaybo ka mid ah Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaas Ku nool wuxuuna u faahfaahiyay qorsheyaasha dowlada Gaar ahaan talaabooyinka muhiimka ah ee ay qaaday wasaarada Batroolka Soomaaliya.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Macdanta & Batroolka dowlada Soomaaliya Maxamuud Hilaal ayaa sheegay in sanooyinka Soo socday dunidu u guurayso waxyaabo kale dalalka aan Bartoolkooda Soo saarina ay Qatar ku sugan yihiin.

 

Qaar ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee dalka Maraynkanka ayaa bogaadiyay howlaha Wasaarada waxayna kula dardaarmeen inay masuuliyiinta wasaarada Macdanta iyo Batroolku shaqooyinkooda sii laba jibaaraan ayagoo Tilmaamay inaysan Hada Soomaaliya Joogin xiligee Mucaarad lala imaan lahaa balse ay joogto waqtigii qofkasta dhismaha dalka dhiniciisa ka qaban lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here