DHAGEYSO:Wasaarada beeraha SHARCI ANSIXISAY

Kulankii golaha Wasiirrada Soomaaliya ee shalay ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Sharciga abuurka iyo Noocyada Dhirta, Sharciga Badbaadinta dhir-beereedka, siyaasadda Qaran ee Bacrimiyayaasha, siyaasadda Qaran ee dulin-dilayaasha, sharciga hey’adaha adeegyada baaritaanka beeraha iyo sharciga xakameynta kiimikooyinka beeraha loo isticmaalo.

Wasiirka wasaarada Beeraha ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Saciid Xuseen Ciid ayaa faahfahain ka bixiyay sharciyada beeraha gaar ahaan kuwa abuurka,Bacriminta iyo kiimikada beeraha Loo isticmaalo ee ayagana Wasiirada meel mariyeen.

Shirkaan oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa kale oo lagu ansixiyay Hindise Sharciyeedka Filimada iyo heshiis is-af-garad ah oo dhex maray wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada iyo shirkadda SAT Service LLC ee dhistay hoteelka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here