DHAGEYSO:Wasaarada caafimaadka Soomaaliyo oo Talaabooyin soo jeedisay

Iyadoo walaac xoogan ay dunida oo dhan kaqabto faafitaanka Cudurka Carona ayaa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur waxaay kulamo arimahaas looga hadlayo la qaadatay wadamada Deeqbixiyeyaasha ah iyo qaar ka mid ah Safaaradaha Caalamka ee Soomaaliya ku yaala sidoo kale Wasiiada ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday inay yareeyaan isu imaatinka,shirarka Safarada dibada maadaama Xanuunkaan uu si dhaqso ah ku faafo.
Wasiir Fawsia ayaa tilmaamtay in loo baahan yahay in aad loo yareeyo safarada dibada ah ee laga maarmi karo si looga hortago cudurkaas maadaama uu hadda soo gaaray wadamada dariska la ah soomaaliya ee Kenya iyo Itoobiya.
Waxay sheegtay in cudurka uu yahay mid si fudud u faafi kara loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay kawada qayb qaataan dadaalada looga hortagaayo ayadoo wamada qaarkood ay sheegtay inay balan qaadeen inay Soomaaliya ka caawinayaan qalanka Casriga ah ee Xanuunkaan lagula Talaaci karo.

Shalay ayaa Wasaaradda Caafimaadka oo Dawladda Soomaaliya hormuud uga ah hawlaha u diyaar garowga & ka hortagga cudurka Coronavirus waxay qabatay shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen Deeq-bixiyayaasha, Hay’adaha Qaramada Midooday, Hay’adaha Caalamiga ah iyo Wasaaradaha ay khusayso arintaana waxaana looga hadlay sida ugu haboon ee loo qaadi karo talaabooyin Wax ku ool ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here