DHAGEYSO:Wasaarada Dalxiiska Soomaaliya oo faahfaahisay shir Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowlada Fedraalka Soomaaliya Aadam Isaaq Cali ayaa wuxuu Faahfaahin madasha Saradada iyo Dalxiiska Soomaaliya oo labo Cisho ka socotay magaalada Muqdisho shalayna halkaas lagu soo gabagabeeyay.
Ku xigeenka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya ayaa wax lagu faano oo bogaadin mudan ku Tilmaamay Bandhiga Safarka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo markii ugu horaysay la qabtay.
Wuxuu sheegay inay madashaan noqon doonto mid Sanad le ah oo wadanka lagu qaban doono sanadkasta,isagoo dhanka kale aad u bogaadiyay dhalinyarada Soomaaliyeed ee lahaa abaalka iyo Hal abuurka bandhigaan oo uu xusay inay Kaalin weyn ka qaadanayso Hormarka dalka Sidoo kalena ay Meesha ka saarayso Fikirka khaldan ee Soomaaliya laga haysto ee dhanka dhibaatooyinka ah.
Aadam Isaaq Cali wasiir ku xigeenka warfaafinta,dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya wuxuu sheegay in dalka Soomaaliya uu yahay wadan Qani ah oo leh goobo dalxiis oo dabiici ah ceebta Africa ugu dheer iyo waxyaabo kale oo u gaar ah kuwaasoo dhamaantooda sahlayo inuu dalku soo jeeto dalxiisayaal gobol iyo kuwo Caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here