DHAGEYSO:Wasaarada Dastuurka Soomaaliya oo Fahfaahiyay howlaha Dastuurka ku socda

Wasiir ku xigeenka wasaarada Dastuurka ee dowlada fedraalka Soomaaliya dr Xuseen Cabdi Cilmi ayaa sheegay in todobaadyadii ugu danbeeyay ay ku howlanaayeen kulamo Muhiim ah oo Dastuurka dib loogu geeyo.
Wasiir ku xigeenka wuxuu Tilmaamay in dhamaan wasaaradaha dowladu ay kaalintooda ka qaateen ayna isku yimaadeen khuburo ku xeel dheer arimaha Dastuurka si ugu danbayn Bisha Juun loo soo gudbiyo aragti mudaysan oo ku saabsan dib u eegista Dastuurka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here