DHAGEYSO:Wasaarada Dastuurka Soomaaliya oo Kulan ku qabatay Jowhar

Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya ayaa maanta waxay magaalada Jowhar ee Xarunta maamulka Hirshabelle ka daahfurtay Ololaha Wacyigelinta ee dib-u-eegista Dastuurka, waxaana ka qayb galay in ka badan 100 qof oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalda Jowhar.
Kulankaan oo socon doona muddo saddex Cishe ah ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa cutubyada dib-u-eegista lagu sameeyay ee Dastuurka iyadoo dirradda lasaarayo arrimaha u baahan wada xaajoodyada siyaasadeed sida awood qaybsiga, maqaamka caasimadda, hannaanka cadaaladda, hannaanka maaliyadda, aminga
iyo khayraad wadaagga.
Ujeedada kulanka wacyigelinta ah ayaa ku saabsan sidii sare loogu qaadi lahaa ogaalka bulshada ee ku aadan dib-u-eegista dastuurka iyo inay aragti ku yeeshaan dib-u-eegista dastuurkooda.
Agaasimaha wacyigelinta wasaaradda dastuurka ee XFS Abdikani Ali Adan oo sharaxay ujeedooyinka kulanka wacyigelinta dib-u-eegista dastuurka, ayaa sheegay in ujeedadu tahay
dadka ku nool jowhar inay aragtidooda ku biiriyaan dib-u-eegista dastuurka islamarkaana ay fahmaan qodobadda ku jira dastuurka ee u baahan in heshiis siyaasadeed laga gaaro.
Agaasimaha ayaa xusay in ololahan uu socon doono muddo saddex bilood ah, iyadoo wasaaraddu ay ku soo qabatay kulamo nuucaan oo kale ah magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.
Wasiiru dowlaha wasaaradda Dastuurka maamul goboleedka Hirshabelle, Xil. Sadakh Mukhtar oo kulanka si rasmi ah u furay ayaa uga mahadceliyay wasaaradda dastuurka dowlada Soomaaliya kulankaan ay ku qabanayso Magaalada jowhar si dadka reer hirshabelle ay wax badan uga ogaadaan geedi socodka taarikhiga ah ee dib-u-eegista dastuurka islamarkaana ay aragtidooda ugu biiryaan.
Dadakii ka soo qayb galay kulanka ayaa su’aalo laxiriira maqaamka caasimadda, awood qaybsiga, qoondada haweenka, iyo arrimo kale waydiiyay khuburada ka socday wasaardda dastuurka ee dowlada dhexe.
Kulankaan ayaa ah kulankii saddexaad oo ay qabato wasaaradda dastuurka ee dowlada Soomaaliya, waxaana kuwii ka horeeyay lagu qabtay Banaadir iyo Baydhabo, waana olole baahsan oo lagu qaban doono dhammaan maamul goboleedyada dalka Soomaaliya ka jira.
Dhanka kale Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kamid ah Xildhibaannada Aqalka sare ee Soomaaliya sidoo kalena ah gudoomiyaha gudiga Dastuurka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay xaaladaha Siyaasadeed ee Soomaaliya, isbedalka loo baahan yahay oo uu sheegay inay kamid yihiin dhinaca doorashooyinka iyo Amniga guud ee wadanka.
Senator Qaybdiid oo la hadlayay Tv-ga Universal ayaa Tilmaamay in Madaxda hadda joogta ay doorasho galayaan laba midkoodna ay noqoneyso inay soo laabtaan ama doorashada looga adkaado,balse ay xaalada dalka u muuqato mid amni buuxa uusan wali ka jirin.
Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid wuxuu sheegay in xilligaan aysan jirin baahi ay dowladdu degmooyin ka tirsan gobolka Gedo u geyso Ciidamo,iyadoo amni daro ay ka jirto degaannada ku yaalla Magaalada Muqdisho sida uu xusay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here